Monday, November 25, 2019

 Jaamacada ummada Somaaliyeed!!

Somaalida oo dil, Waqooyi ilaa Koonfur, Bari ilaa Galbeed waxay ka siman yihiin, inay ka soo baxeen hal jaamacad, oo la dhaho Jaamacada ummada Somaaliyeed.
Khalad ha u fahmin, markaan ku leeyahay jaamacada ummada Somaaliyeed, maahan dhismihii iyo guryihii ku yaalay jidka Afgooye ee magaalada Muqdishu.
Jamacada ummada Somaaliyeed, isku raacsan yihiin, kana soo wada baxeen, 15 jir ilaa 90 jir, marka laga reebo dhawr qof oo jaamacada ka saaqiday.
Hadaba jamacadaas halkay ku taal? yaa professorka ah? Maamuluhu waa kuma?
Iyo suaalo badan ayaad iswaydiinaysaa, bal aan mid mid u dul istaago.
Halkay ku taal: jaamacadu waxay ku taal guri kasta, geedkasta, buurkasta, deegaankasta iyo meel kasta oo qof somaali ah degen yahay, ku nool yahay, ama ka shaqaysto.
Jamaacada waxaa barayaal ka ah, Siyaasi, Qabqable, Oday dhaqameed, Wadaad, aqoonyahan iyo geeljire, dhamaan isku cashar ayey bixiyaan, walow ay ku kala xun yihiin, sida casharka loo bixiyo.

Ilmo kasta, 15 sano markuu gaaro ayuu ka qalin jabiyaa jaamacada, ilaa uu ka dhintana, wuxuu ku jiraa aqoon kororsi.
Jamaacada ummada Somaaliyeed ee sida siman loo wado dhigto, loogana aflaxo, waa qabyaalada, kuwa ka saaqidayna waa kuwa wadaniyiinta ah, ama diinta si wanaagsan oo barax tiran u haysta.
Qofkasta oo somaali ah, wuxuu soo qataa duruusta asaasiga ah, ee jaamacada oo ah, qabiilkeena ayaa dalka xoreeyey, qabiilkeena ayaa gaalada jabiyey, qabiilkaana ayaa u nasabsan, u aqoon badan, u hodansan, u tiro badan, ugu siyaasi badan, ugu qurux badan, dumarkana ayaa ugu gaarisan.

Hadaba markii jaamacada laga soo baxo oo banaankeeda la yimaado, dad hal cashar soo qaatay oo midkasta reerkiisa uun loo soo meershay, bal waakaas kaalay, dal iyo dibad ba adigu is fahansii, masaajidkii dhexdiisa ayey ka taagan tahay, anaga iyo idinka!! Ama reer hebel masaajidka nagu maamuli maayo.

Lama yaabo markaan arko, thuma walaahi mid leh, reerkayaga ayaa dadka kale oo dhan, dhankasta kaga horeeya, oo maxaan ula yaabin, jaamacada ayaaba ah inaad ku dhaarato reerkiina, hadii aad dhaaran waydo, waxaad u baahan tahay inaad dhawr semester dib ugu laabato.

Qisooyinkaan u joogay, intaan jaamacada dhiganaayey. La soco insha allah.

No comments:

Post a Comment